Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhigga oo ku baaqay in gacan bir ah lagu qabto dadka taageera Al Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa farriin adag u diray dadka taageera Al Shabaab ee doonaya in ay afkooda ugu adeegaan kooxda Al Shabaab.

Wasiirka ayaa hadalkan jeediyay xilli uu la kulmay ciidamo ka tirsan xoogga,wuxuuna xusay in ay jiraan dad raba in la damiyo iftiinka dowladnimo ee u bidhaamay shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa soo jeediyay in la beegsado kooxaha u adeegaya Al Shabaab ,isla markaana gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo lagu caddeeyo in ay u shaqeyaan Al Shabaab.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la dar-daarmay ciidamada xoogga ee uu la hadlay ayaa xasuusiyay in ay leeyihiin hal cadow,loona baahan yahay in ay hal il ku arkaan kooxaha nabad-diidka ah.

Wasiirka waxa uu ku baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada Soomaaliya ,isla markaana laga qeyb qaato dagaalanka ka dhanka kooxda Al Shabaab.

Related posts

Madaxweyne Waare iyo Danjire James Swan oo kulan ku yeeshay Jowhar (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade

Iran oo Faah faahisay Sababtii loo soo riday Diyaaradii Ukrane ee ku bur burtay Tehran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---