Allbanaadir.com
NEWS

Muhaajiriin badan oo kusii jeeday dalka Mareykanka oo geeriyooday iyo Faah faahino kasoo baxaya

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku geeriyootay, halka ay Labaatameeyo kalena ku dhaawacmeen Shil ka dhacay magaallo ku taalla dalka Mexico.

Bas ay la socdeen dad Muhaajiriin Shisheeye ah iyo kuwo Deegaanka ayaa waxa uu xalay oo Khamiis ahayd uu ku dhacay meel Doox ah, taasi oo sababtay inuu Baska qalibmo.

Baskaasi oo ay la socdeen Ku-dhawaad 40 qof ayaa waxa la sheegay inuu ku sii jeeday magaallada Tijuana ee W/Galbeed dalka Mexico oo xuduud la leh magaalladda San Diego ee dalka Maraykanka oo sanooyinkii la soo dhaafay xuddun unoqotay dadka Muhaajiriinta ee ku naalloonaya inay Qaxooti ahaan isaga dhiibaan dalka Maraykanka.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hay’adda Badbaadinta dadka Rayidka Mexico ee Gobalka Nayarit ayaa lagu sheegay inay dadka ku geeriyooday Shilkaasi ka mid ahaayeen 3 qof oo aad u da’ yar.

Dhinaca kale, inta badan dadka ku dhintay Shilkaasi waxay ahaayeen Muhaajiriin Shisheeye oo ka kala yimid dalalka Qaaradda Afrika, Hindiya, Dominica Republic iyo kuwo kale oo safarkooda Tahriibka ku wajahnaa xuduudka magaalladda San Diego ee dalka Maraykanka

Dareewalka Baska lagu le’day waxaa la sheegay in la xiray, isagoo lagu eedeeyey inuu xakamayn Kari waayey Baska oo uu si xawli ah ku waday.

Si kastaba, ma aha Shilkii u horeeyey ee ay dad Muhaajiriin Shisheeye ah ku geeriyoodeen gudaha dalka Mexico oo Marin muhiim u ah Tahriibayaasha ku sii qulqulayo Xuduudka Maraykanka.

Bishii February ee sanadkan, ugu yaraan 17 Muhaajiriin ah oo ka soo kala jeeday dalalka Venezuela, Colombia iyo Bartamaha America ayaa ku dhintay Shil Bas oo ka dhacay Koonfurta dalka Mexico.

Shilkii ugu xumaa, 56 Muhaajiriin badankooda ka soo jeeday dalka Guatemala ayaa ku dhintay Gaari Tareel oo ay la socdeen 160 Muhaajiriin oo Shil ku galay Gobalka Chiapas ee dalka Mexico bishii December ee sanadkii 2021-kii.

W/Q Ustaad Nuradin Abuukar

Related posts

Booliiska Kenya oo soo saaraya Meydka haweeney labo sanno kahor geeriyootay iyo Wadaad lagu …

Cabdi Cade

Yaa wada oo lagula xisaabtamayaa Banaan baxa Muqdisho laga abaabulayo ?

Cabdi Cade

(Xog) Khilaaf la xiriira doorashada oo ka dhex curtay Madaxweyne Qoor-qoor iyo ku-xigeenkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---