Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Qaranka ee Danab oo muddo tababar ku qaadanayay Dugsiga Ciidamada ee Balli-doogle.
Ciidankan ayaa waxaa tababar adag siiyey saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee jooga Somalia.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadan tababarka dhammeystay loogu talagalay in ay qeyb ka noqdaan wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka al-shabaab, kaasoo lagu waddo inuu Dalka ka bilowdo dhowaan.
Waxaa uu mahadceliyay dhallinyarada u dhabar adeegtay tababarka kuna ammaanay dadaalka ay bixiyeen, isagoo xusay in qaranku ka sugayo cadowga iney dalka ka xoreeyaan.
”Maanta waa maalin aad u qiimo badan, waxaan isugu nimid inaan ka soo qeyb galno xaflad qalin-jabin guutada Danab qeybteedii 9-aad, tababarka ugu dhamaaday Bali-doogle” ayuu yiri Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya