Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar Qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday xero ay degan yihiin ciidanka DF

Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday Saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Geedweyne oo hoostaga degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Sida wararku sheegayaan Al-shabaab ayaa sida looga bartay waaberigii saaka gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey oo ay wadeen eag ismiidaamiyeyaal ah waxay ku weerareen xeradaas, waxaana ka dib xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada dowlada ee xeradaas ku sugnaa iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday.

Goob-joogayaal ku sugan degaanka Geed-weyne ayaa sheegay in dagaalku uu socday ku dhawaad saacad la iskuna adeegsaday hubka culus oo si weyn looga maqlay degaanada ku dhow halkaas.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah leh ayaa ka dhashay dagaalkaas inkastoo aan weli laga helin faahfaahin rasmi ah, rasaas goos goos ah ayaana weli laga maqlayaa degaanka Geed-weyne.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo ayaan weli ka hadlin weerarkan saaka oo qeyb ka ah weeraro la mid ah oo Al-shabaab ay had iyo kula jarmaadaan xeryaha ciidamada DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada Somalia oo xilka la wareegay

Caydiid Ali

Qunyar-socod loo doortay Madaxweynaha dalka Iran

Cabdi Cade

Haraadiga Meydka Taliyihii booliiska AMISOM oo la helay iyo Aas loo sameenayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---