Wafdi horudhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Saraakiil, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale ayey ka kooban yihiin wafdiga maanta gaaray Dhuusamareeb.
Sidoo kale, Ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada madaxtooyada ayaa laga dajiyay halkaasi kuwaasoo xaqiijin doono amniga xarunta uu dagayo Madaxweyne Xasan Shiikh oo beri oo Jimco ah ku wajahan Dhuusamareeb.
Taliyaha nabad sugida Somalia Mahad Salaad oo Gogolxaar u ahaa safarka Madaxweynaha ayaa maalmahanba ku sugnaa isla magaaladaas.
Xassan Shiikh ayaa lagu wadaa inuu beri Dhuusamareeb kaga dhawaaqo wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ka bilaabanaya degaano ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle.
Sidoo kale Xassan Shiikh ayaa mudooyinkan soo socda ku sugnaan doona magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo u noqon doonta talis dhexe oo uu ka hogaamiyo dagaallka.