Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska Ambassador Michael Nithavrianakis.
Aadan Madoobe iyo Danjire Nithavrianakis oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Baarlamaannada Soomaaliyo iyo kan Boqortooyada Ingiriiska, horumarinta shuruucda muhiimka u ah dalka, sida dib u eegista dastuurka KMG ah ee JFS, la dagaallanka kooxda al-shabaab iyo taageerida xasilloonida deegaannada laga xorreeyay kooxdaas.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sidoo kale xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Jumah Alromaith.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Danjire Alromaith ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ammaanay doorka Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka qaadanayaan la dagaalanka argagaxisada.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 26-aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacabka.