Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya oo gudaha dalkeeda ka abuureysa ciidan Macawisley ah oo la dagaalama Al-Shabaab

Dowlada Kenya ayaa shaacisay inay waddo qorshe ay shacabka degaannada Waqooyi Bari uga qeyb galinayso dagaalka ay kula jirto al-Shabaab.

Wasaiirka amniga gudaha Kenya, Kithure Kindiki, ayaa sheegay in qaabka dowladda Soomaaliya ay bilihii dambe ula dagaallamaysay al-Shabaab oo ay u adeegsatay dadka deegaanka guulo badan laga gaaray, si lamid ahna ay ku dayan doonaan.

“Xalka ku haboon dhibaatada ka taagan waqooyiga dalka ayaa ah in la wajaho qaabka sida ay Soomaaliya samaysay oo ah in dadka deegaanka ay go’aansadeen in ay iska dulqaadaan Al-Shabaab. Dadyowgaas ayaa ka codsaday dowladda in ay gacan ka siiso la dagaallanka Al-Shabaab, iyaga ayaana hormuud u noqday dagaalka. Waxay ila tahay in jihadaas aan u soconno,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Kenya, Kithure Kindiki.

Kindiki ayaa sheegay dowladda dhexe ay taageero buuxdo ka haystaan dadka deegaanka iyo maamulkooduba, ayna diyaar u yihiin iney ska celiyaan Al-shabaab

“Taageero buuxda ayaan ka haysannaa madaxda deegaanka iyo bulshadaba oo waxa ay diyaar u yihiin in aan si buuxda u soo afjarno dhibaatada Al-Shabaab. Suuragal ma ah in boolisku ay ilaaliyaan guri kasta.” ayuu intaas ku daray.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay kooxda al-shabaab ka adkaan doonaan bilaha soo socda iyagoo ka faa’iideysanaya dadka deegaanka.

 

Related posts

Golaha amaanka ee QM oo go’aan ka soo saaray xanibaada hubka ee saran Somalia

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Xamse Barre & Danjire Abdalla Bin Salim Al-Nueymi? (Sawirro)

Caydiid Ali

Putin oo qaaday talaabo walaac badan ku abuurtay Mareykanka iyo Xulafadiisa Yurub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---