Allbanaadir.com
NEWS

Khadiijo: “Jaamacadaha ayaa dirsaday Nasro, Xiriirka Orodada wax lug ah kuma lihin”

Gudoomiyihii shaqada laga joojiyey ee xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud Khadiijo Aadan Daahir ayaa fadeexad hadal hayn dhalisay oo Soomaaliya kasoo gaartay tartan orod oo ka dhacay Shiinaha, kaasoo ay ka qayb gashay gabar la sheegay in aysan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah isla markaana aysan ahayn ciyaaryahanad orodka ka tirsan.

Khadiijo Aadan Daahir ayaa sheegtay in xiriirkeeda uusan wax lug ah ku laheyn dirista Nasro Abuukar Cali, waxbaa kala socon.

“Gabadha waxaa safarka qabanqaabadeeda lahaa Ururka Jaamacadaha, waxaana sagootiyay Wasaaradda ciyaaraha iyo xubin ka socday Ururka Jaamacadaha,  annaga wax shaqo ah kuma laheyn” ayey tiri Khadiijo oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa guddiga Olympikada ku amray in Shaqada laga Joojiyo Guddoomiyaha Xirriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya, Khadiijo Aadan Daahir.

“Wasiirka isagaa ayaa hore u sheegay in guddiga Olombikada iyo xiriirka ciyaaraha fudud aysan wax shaqo ah ku laheyn safarka gabadha”.ayey tiri Khadiijo.

Waxay beenisay inay wax lug ah ku leedahay arrinta shaqada looga joojiyey, ayadoo sheegtay in cayaarahaas ay yihiin cayaaro jaamacadeed, ayna ka qayb galayaan ardayda jaamacadaha”.

“Xiriirka cayaaraha fudud wixii khuseeya ayaan ka hadli karnaa” ayey tiri Khadiija oo aan hadlin xiriirka xagga qoyska ee ka dhaxeeya ayada iyo Nasra Abuukar Cali.

Khadiijo Aadan Daahir oo horey BBC ula hadashay ayaa sheegtay in Nasro Abuukar aysan lahayn taariikh orodyahannimo balse ay qaadatay layli u suurta galinaya inay ka qayb gasho orodka 100ka mitir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo Kenyan ah oo ku dhintay qarax lala beegsaday & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Qoys Kenyan ah oo Dhulkooda u iibinaya Al Shabaab iyo Sababta ka dambeysa (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Gantaalo lagu weeraray garoonka dayuuradaha Magaalada Abu Dhabi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---