Safaaradda Britain ee caasimadda Niger ee Niamey ayaa si ku meel gaar ah u dhimi doonta tirada shaqaalaha, sababo la xiriira dhanka ammaanka, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain Khamiistii, maalmo kadib markii ay militariga dalkaasi la wareegeen dalkaasi.
“Waxaa jiray la wareegitaanka militariga Niger, taasoo keentay mudaaharaadyo iyo qalalaase,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda.
“Kooxda soo qaban qaabisay banaanbaxa 30-ka Luulyo (M62) waxay ku baaqeen maalin kale Khamiista 3-da Agoosto, oo ah maalinta madax-bannaanida Niger. Mudaaharaadyadu waxay noqon karaan rabshado, xaaladduna si dhakhso ah ayey isu bedeli kartaa digniin la’aan.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.
Dhinaca kale, Mareykanka ayaa go’aansaday qayb ahaan inuu kala soo baxo dalka Niger, shaqaalaha safaaradiisa dalkaasi ku taalla..
Boqollaal ajaanib ah ayaa laga daad gureyay dalkaas, iyadoo Axadddiina safaaradda Faransiiska ay weerareen dibadbaxayaal.
Hoggaamiyaha afgambiga Jeneraal General Abd al-Rahman Tianyi, ayaa ka digay faragalin kasta oo ka dhan ah arrimaha dalkiisa isla markaana kaga timaada dibadda.