Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Amniga Magaalada Washington DC oo si weyn loo adkeeyey iyo Donald Trump oo..

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa maanta ka soo muuqanaya Maxkamad federaali ah oo ku taalla magaaladan Washington DC ka dib markii lagu soo eedeeyey dembi culus.

Trump ayaa loo heystaa inuu inuu sifo aan sharci ahayn isugu dayay inuu beddelo natiijada doorashadii 2020-kii ee uu ku guuldarraystay.

Guddi xeerbeegti ah oo ku sugan Washington ayaa dacwadiisa dhegeysan doona sida ay sheegtay waaxda cadaalada ee Mareykanka.

Trump ayaa lagu amray in uu maanta yimaado maxkamaddan federaaliga ah. Kiiska ayaa waxaa loo xilsaaray Garsoore federaali ah oo lagu magacaabo Tanya Chutkan taasoo uu magacaabay madaxweynihii Trump ka horreeyey ee Barack Obama.

Waxa aad loo adkeyay ammaanka magaalada Washinton oo ah halka uu ka dhacayo dhageysiga kiiska dacwadda loo haysto Trump.

Trump ayaa horey u wajahayay laba kiis oo kale waxaana uu mar kale doonayaa inuu ku soo laabto Aqalka Cad ee Mareykanka doorashada soo aaddan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askar Itoobiyaan ah oo ku dhimatay qarax loo dhigay kolonyo ay la socdeen

Caydiid Ali

Shaki ka dhashay shirka uu iclaamiyey Farmaajo & Deni oo mar kale sheegay..

admin

Sarkaal lagu dilay magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---