Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nasra Abukar Cali oo markii ugu horeysay soo hadashay, Xog yaab lehna bixisay

Nasra Abukar Cali oo ah Gabadhii ka ka qeyb gashay tartankii orodka Shiinaha ee fadeexada dhaliyey ayaa markii ugu horeysay la hadashay Warbaahinta.

Nasra ayaa aad uga dambeysay gabdhihii kale ee la tartamayay, taasoo caro baahsan iyo hadal heyn xoog leh ka dhalisay baraha bulshada.

Waxaa la arkayey Nasro oo aan u ordeyn sidii qof yaqaan orodka isla markaana waxay gashay kaalinta u dambeysa ee gabdhihii halkaas ku ordayey.

Waxay sheegtay Nasro in sababta ay orodka uga gaabisay ay aheyd iyadoo lug ka murgacatay.

“Soomaalida wax loo ordo ma istaahilaan. Anigoo lug ka murgacay ayaan sii ordayay laakiin dhaleeceynta dadka waxey ii noqon doontaa dhiiragalin” ayey tiri.

Nasro waxay intaas ku dartay iney sanadka dambe iyadoo diyaarsan ka qeyb geli doonto tartamada caalamiga ah, iyadoo metelaysa Somalia.

“Aniga gabar ayaan ahay, uurna malaheen. Aniga ayey shaki i galiyeen. Laakiin Sanadka dambe anigoo diyaarsan ayaan markale tartami doonaa” ayey tiri.

Gabadhan oo dhaleeceyn xoog leh kala kulantay bulshada ayaa qiratay ineysan diyaar garow adag u soo gelin tartankan.

“Hal bil ayaan isku diyaarinayay tartankaan. Kumana filneyn muddo bil ah laakiin wixii ayaa hoosta iska soo galay” ayey tiri Nasro oo beenisay in qaab qaraabo kiil ay ku soo gashay tartanka.

Waxay ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somalia oo sheegay in wasaardiisu aaney wax door ah ku laheyn arrinta gabadha iyo habka loogu xushay in ay tartankaasi ka qayb gasho.

“Wasiirka isboortiga waa ogaa inaan tartanka soo aadayo, masuuliyiinta Wasaaradiisa ayaaba wax iga soo sagootiyey, hadda muxuu u leeyahay waxba kama ogeyn” ayey tiri Nasro.

Waxay sheegtay iney ka xun tahay sababta shaqada looga joojiyey Gudoomiyihii xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud Khadiijo Aadan Daahir oo ay sheegtay ineysan shaqo ku laheyn ka qeyb galkeeda tartankan, iyadoo xustay iney soo dirsatay kuna tartameysay magaca Jaamacad ku taalla Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo Israel ju diraya shixnado hub ah oo ku kacaya $2.5 bilyan

Caydiid Ali

Shirka Wadatashiga oo maanta ka furmaya Madaxtooyada iyo Qodobada looga hadlayo

Cabdi Cade

(Akhriso) Midowga Yurub oo wadahadalka Somalia & Somaliland ku tilmaamay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---