Allbanaadir.com
NEWS

(Faahfaahin) Dagaal culus oo ka dhacay Masaajid Cali Guduud iyo Sarkaal lagu dilay

Dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa xalay ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sida wararku nagu soo gaarayaan dagaalka ayaa si lama filaan ah u qarxay, kadib markii ay fooda isdareen Ciidamo ka baxay Muqdisho oo ku sii jeeday furinta dagaalka ka socda xadka Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud iyo ciidamo kale oo ku sugnaa duleedka Masaajid Cali Gaduud oo halkaas difaac kaga jiray.

Ciidamada oo si kedis ah isaga hor yimid ayaa kala shakiyey taasoo keentay inuu ka dhex qarxo dagaal qaatay ku dhawaad hal saac, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada ciidan.

Cabtan Maxamed Axmed Abshir oo ahaa taliyihii ururka 2-aad guutada Khaalid Bin Waliid ayaa la soo werinayaa inuu ka mid noqday askarta lagu dilay dagaalkan, isagoo hoggaaminayay ciidan ka baxay xerada Maslax ee duleeda Muqdisho oo ku sii jeeday furumaha dagaalka.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo wararka qaarkood sheegayaan inuu aad u badan yahay, mana jiro War ka soo baxay taliska ciidamada xoogga dalka iyo Maamulka gobolka Sh/dhexe oo dhacdadan ku saabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo si kulul uga hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Booliiska Muqdisho oo qabtay Burcad hubeesan oo Shacab dhac u geesanayay

Cabdi Cade

Dowlada Mareykanka oo shaaca ka qaaday in ay ka baxday heshiiska Nuclear-ka ee INF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---