Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: DF oo shaqada ka joojisay Gudoomiyihii Xirriirka Ciyaaraha Fudud (Akhriso)

Wasaraadda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha xukuumada Somalia ayaa go’aano adag ka soo saaray fadeexada ka dhalatay gabar Somalia ku meteshay tartanka orodka Jaamacadaha aduunka ee la socda dalka Shiinaha.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada ayaa shaqada looga joojiyey Gudoomiyihii xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud Khadiijo Adan Daahir.

“Wasaaradda waxaa u caddaatay in Nasro aysan ahayn ciyaar yahanad ka tirsan Oroddada, iyo in Marwo Khadiijo ay sameysay ku takri fal awoodeed iyo sumcad dil Qaran” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda.

Sidoo kale, Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa taageeray go’aanka wasiirka, waxayna Shaqo joojin kumeel gaar ku sameeyeen Gudoomiyaha xiriirka Ciyaaraha fudud Khadiija Aadan Dahir, kaddib fadeexadii tartankii orodka 100m ee Shiinaha oo ay ka qeyb gashay gabar aan ka mid aheyd Orodyahanada Soomaaliyeed.

Shirka ugu soo horreeya ee Guddiga Fulinta ayaa kiiskan loo gudbinayaa, si go’aan kama dambeys loog soo saaro, iyadoo la filayo in si kama dambeys ah xilka looga xayuubiyo.

Qoraal ka soo baxay wasaarada iyo Guddiga Olombikada ayaa sidan u qornaa

Related posts

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Ninkii geestay oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

(Akhriso) Magacyada & Qabiilada musharaxiinta doorashada Madaxweynaha

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu Laftagareen kala hadlay Gudiyada Doorashooyinka Koonfur Galbeed?

Caydiid Ali