Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Difaaca DF oo su’aalo adag laga weydiiyey qaraxii Kuliyadda J/Siyaad & arrimo kale

Guddiga Amniga iyo Difaaca  Aqalka Sare ee BJFS oo gudanaya waajibaadka ka saran kor joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladd, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Nuur iyo Cabdifitaax Qaasim Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaas, si ay su’aalo uga waydiiyaan howlaha Wasaaradda.

Kulanka oo ku bilowday isbarasho guud ayaa masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga wax laga waydiiyay warbixin guud oo ku saabsan howlaha Wasaaradd, halka ay marayaan howlgallada Dalka looga xoraynayo al-shabaab, guulaha laga gaaray wejigii koowaad, qalabka iyo Tababarrada Ciidamada, weerarkii kulliyadda Jaale Siyaad iyo su’aalo kale.

Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka ayaa si faahfaahsan xubnaha Guddiga warbixin uga siiyay ugana jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca  Aqalka Sare Senator Adam Abdinasir oo kulanka Shir gudoominayay ayaa Massuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga uga mahad celiyay sida hufan oo ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaaradda iyo su’aalihii kalaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayax Gacmeed Itoobiya hawada sare u diri laheyd oo dib u dhacay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Ayatullahi Khumeyni oo ka hadlay Dilka Sinwar iyo wax ka dhalan kara

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo Cadaado Tababar uga furay ciidamo Booliiska kamid noqonaya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---