Macalimiinta Switzerland ayaa laga soo warinayaa inay ku dhib qabaan carruur yaryar oo ilaa da’da 11 jirka gaaray kuwaas oo iskuullada ku yimaada – iyaga oo xafaayaddu ugu jirto oo aan laga soo bixin. Waayo weligoodba lama barin inay kortagga ama musqusha aadaan si ay isku soo nadiifiyaan ama saxarada ay iskaga dhaqaan.
Dalka Switzerland carruurta qaar waxay wax-barashada ku bilaabaan da’da 4 jirka, la-yaabna malahan inay badigood xiran yihiin xafaayad. Laakiin dhibku ma ahan iyaga oo kaliya. Waxaa dhawaanahan lasoo werinayaa in xattaa carruurta 10-jirka ah ay iskuullada yimaadaan iyaga oo ay xafaayad ugu jirto. Waxaa yaabka leh ayaa ah in macalimiinta iskuulka laga filayo inay xafaayadda ka bixiyaan oo ay u nadiifiyaan.
Dood weyn ayay ka dhalisay arrintan – waxaana waalidiinta loogu yeeray inay ilmahooda kasoo beddelaan xafaayadaha oo ay usoo nadiifiyaan kahor inta aysan usoo dirin iskuullada. Waxaa kale oo intaas loo raaciyay – inaysan ku tashan macalimiinta joogta iskuulka madaama hadda kaddib aysan xafaayadaha uga beddeli doonin carruurtooda.
“Waalidiinta waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay inay carruurtooda usoo dhaqaan,” ayuu yiri Dagmar Rösler, oo ah madaxa macalimiinta Switzerland. “Macalimiintu halkan uma joogaan inay carruurtiina xafaayadaha ka beddelaan.”
Saameyn dhinaca maskaxda ah ayay carruurta qaar ka qaadaan xaaladdan. Maadaama aan la barin sida la iskaga nadiifiyo saxarada – ama suuliga loo adeegsado – waxaa ku maadeysta ilmaha kale, waxayna qaadaan xanuunno nafsi ah oo dhaawacaya maskaxdooda. Tani waxay timaadaa marka ay ilmaha kale ogaadaan in cunugaas uusan aqoon sida la isaga dhaqo saxarada.
Warbixin ay dhawaan qortay SonntagsZeitung ayaa lagu sheegay in waalidiin badan oo dhalay ilmaha dhigta dugsiyada hoose ay raadinayaan shaqaale carruurtooda uga beddela xafaayadaha oo ay lacag ku siiyaan, waxaa kale oo sare u kacay qiimaha iyo tirada xafaayadaha laga isticmaalo gudaha dalkaas.
“Waxay xafaayaduhu iska noqdeen sida dharka caadiga ah oo carruurta loo xiro,” ayuu yiri bare Margrit Stamm – isaga oo uga digay waalidiinta muddada dheer ilmaha ku haaya xafaayadaha xilliga ay safarka ku jiraan ama ay hurdayaan inay beddelaan dhaqankaas.