Taliyaha ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galmudug.
Mahad Salaad ayaa xalay ku howday magaalada Dhuusomareeb, waxa uuna halkaasi ka wadaa kulamo uu la qaadanayo madaxda maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Dhuusomareeb.
Sida aan wararka ku helnay safarka uu Mahad Salaad ku tagay magaalada Dhuusomareeb ayaa horudhac u ah safar la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku gaaro magaalada Dhuusomareeb.
Magaalada Dhuusomareeb ayaa wararka aan helnay sidoo kale sheegayaan in madaxweyne Xasan iyo Mahad Salaad maalmo badan joogi doonaan halkaasi, si ay uga hagaan howlgalo la filayo in dhawwaan ka bilowdaan gobolka Galgaduud.