Allbanaadir.com
NEWS

Dooman aan cidno wadin oo lagu weeraray Maraakiib Ruushka uu leeyahay

Ruushka ayaa sheegay in ay burburiyeen saddex doonyood oo ah kuwa aan cidina wadin oo laga leeyahay dalka Ukraine, kuwaas oo doonayay in ay weerar ku qaadaan laba markab oo ay leeyihiin ciidamada badda Ruushka oo marayay badda madow

Wasaaradda difaaca ayaa sheegtay in werarkan uu dhacday saacadihii hore, uuna ka dhacay meel saddex boqol iyo afartan kilomitir koonfur-galbeed ka xigta Sevastopol ee Crimea.

Waxa ay sidoo kale hadda sheegeysaa in ciidamadeeda badda ay burburiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine kuwaas oo bartilmaameedsanayay maraakiib ganacsi oo Ruushku leeyahay oo ku sii jeeday marinka Bosphorus.

Shaqaalaha wasaaradda horumarinta dhaqaalaha ee Ruushka ayaa hadda loo sheegay in ay ka soo shaqeeyaan guryahooda,kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay ku dhufatay dabaqa sare ee ay wasaaradda ku leedahay xaafadda ganacsiga ee magaalada Moscow. Isla dabaqan ayaa laba habeen ka hor lala beegsaday weerar diyaaradeed.

Duqa magaalada Moscow ayaa sheegay in nidaamyada difaacyada cirka ay xalay soo rideen dhowr diyaaradood oo kale oo aan duuliye lahayn, waxa uuna muujiyay dareen cabsi ay abuureen weerarada sii kordhaya .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comaazddddd.xxz 

Related posts

Farmaajo oo loogu baaqay sameynta Afar arin si uu Imaaradka ula Heshiiyo (Akhriso )

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah dadkii ugu caansanaa ee galay Congress-ka oo lasoo qabtay

Cabdi Cade

Gudoomiye Mursal oo sharci daro ku tilmaamay dhaarinta Wasiirka cusub ee amniga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---