Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo shaaciyay xilliga ay dhaceyso doorashada maamulka Puntland

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kaga qeybgalay Xafladda 1-da August ee xuska sanad guurada 25-aad ee aasaaskii Puntland.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Shacabweynaha Puntland dal iyo dibad meeshay joogaan, wuxuuna xusay in Puntland Dadkeedu ay dadaal kusoo bixiyeen in ay soo gaarto maanta meesha la joogo iyo horumarka socda .

Wuxuu Madaxweynuhu la wadaagay Bulshada in Doorashada ay wakhtigeeda ku dhici doonto Iyadoo aysan jirin wax muddo kordhin ah, Laguna tartamayo nidaamka dimuqraadiyadda oo Hadda Puntland ay Doorasho uga dhacday hal qof iyo hal cod 33 degmo.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Bulshada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn midnimada iyo Isku duubnida ay muujiyeen iyo halgankooda taariikhiga ah ee ay ugu dagaalamayaan masiirkooda.

Waxaa munaasabadda Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-geenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada DPL, Golaha Garsoorka, Marwada Koowaad ee Puntland, Goleyaasha Dowladda , Ururada Siyaasada , Qunsuliyada Ethiopia, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Degmada Garoowe, Waxagaradka , Qurbojoog, Aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo Arrimo Muhiim ah kala hadlay Kiki Gbeho (Sawirro)

Cabdi Cade

Soomaaliya xiligan Ma Waxay Haysaa Dhabbihii Afghanistan oo kale? (Wax badan Ka Ogow)

Cabdi Cade

Kheyre iyo Axmed Madoobe oo kulan Xasaasi ah ku yeeshay Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---