Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Xoogga dalka oo degaano cusub kala wareegay kooxda Al-shabaab

Hawlgal qorshaysan oo ay saaka sameeyeen ciidan ka tirsan guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayey ayey sheegeen iney al-shabaab kaga saareen degaanada Rasdaay, Feytaan, Sadex-aqal iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

Deegaanadaas ayey qaarkood imaan jireen al-shabaab, halka kuwa kalena ay u ahaayeen fariisimo ay ka soo abaabulaan weerarada sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Xidigle Daahir Axmed Cali taliye horinka 1-aad, ururka 25-aad, guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee xoogga dalka ayaa sheegay in hawlgalkan ay saaka qaadeen uu u dhacay sidii loo qorsheeyey ayna sii wadayaan baacsiga al-shabaab

“Ma tabar badna balse inay dadka ku dhibaan ayey meelahaas u yimaadaan, qorshaheenu wuxuu yahay in meel kasta oo nimankaas [Khawaarijta] lagu sheego inaan tagno, shaqadeenuna waa intaas ” ayuu yiri xidigle Daahir.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha guud ee ciidamada DF dalka kaga saarayaan Al-shabaab, kaas oo ka socda gobolada ay kooxdu wali dalka uga harsantahay.

Related posts

Rooble , Siciid Deni iyo Madax hore hore oo Socod Dhoolo tus ah ku maray Garoonka Aadan Cadde (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaano ku eedeeyey Madaxweyne Deni inuu xushmad daro u muujiyey Golaha wakiilada Puntland

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo lagu tilmaamay Masuul aan Damqasho iyo Damiir laheyn !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---