Nin Falastiini ah ayaa waxaa toogasho ku dilay askari ka tirsan booliska Israa’iil oo aan shaqada ku jirin ka dib markii lagu eedeeyay inuu rasaas ku furay deegaan sharci darro ah oo ay Israa’iil leedahay,
Ninkan ayaa dhaawacay ugu yaraan lix qof oo Israiliyiin ah ka hor intaan toogasho lagu dilin.
Toogashadan ayaa ka dhacday banaanka hore ee xarun laga dukaameysto oo ku taal deegaanka ballaaran ee Maale Adumim ee Israa’iil ay ku leedahay Daanta Galbeed ee la haysto.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa tuhmanaha ku sheegtay Mohannad al-Mazraa oo 20 jir ah kana yimid Azariya, oo ah magaalo u dhow Daanta Galbeed.
Booliska Israa’iil ayaa soo wariyey in ninka hubaysan uu rasaas u furay jiho kasta, isagoo dhaawacay dhawr qof oo la dhigay goobaha Caafimaadka
Xamaas, oo ah dhaqdhaqaaqa maamula marinka Gaza tan iyo 2007, ayaa weerarka ku tilmaantay “halyeynimo” balse way ka gaabsatay inay sheegato mas’uuliyadda.
Wasiirka amniga qaranka Israa’iil ee midigta fog, Itamar Ben-Gvir, ayaa goobta soo gaaray wax yar ka dib toogashada.
Dagaallada u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee ka socda Daanta Galbeed ee la haysto ayaa sii xoogaystay horraantii sannadkii hore markii Israa’iil ay weerarro habeennimo ku dhow ku qaadday deegaannada Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed. Weerarada Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah Israa’iiliyiinta ayaa sidoo kale sii kordhay.