Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar ka dhacay qunsuliyada Sweden ku leedahay Magaalada Izmir

Mid ka mid ah Shaqaalaha Turkiga ee ka howlgala qunsuliyada Sweden ku leedahay magaalada Izmir ee galbeedka dalka Turkiga ayaa dhaawac halis ah uu ka soo gaaray toogasho ka dhacday afaafka hore ee dhismaha qunsuliyada, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee TRT.

Booliska ayaa baaraya dhacdadan, ayay raacisay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden ayaan si degdeg ah uga hadlin dhacdadan.

Xafiiska gudoomiyaha deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu fuliyay qof “maskaxda ka xanuunsan” oo ku sugnaa degmada Konak ee Izmir.

Qofka la dhaawacmay oo ah Haweeney xoghaye ka ahayd xafiiska diblomaasiyadda ayaa xaaladeeda caafimaad ay aad u liidataa

Maamulka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay ninkii dilka geystay oo watay qoriga waxayna bilaabeen baaritaan la xiriira dhacdada, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha.

Qunsuliyadaha sharafta leh waxay matalaan danaha muwaadiniintooda dibadda laakiin ma maamulaan diblomaasiyiin xirfad leh.

Related posts

Dowladaha Sacuudiga iyo Turkiga oo digniin culus u diray Israa’iil & Mareykanka

Caydiid Ali

(Sawirro) Dibad-baxyo ka socda degmooyin ka tirsan Galmudug oo ay ku jirto Gaalkacyo

Caydiid Ali

Al Shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka dowlada iyo kuwa …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---