Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Askar ka tirsan ciidanka Kumandoska Gorgor oo dil iyo xabsi lagu xukumay (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida  Qeybta Galmudug ayaa u fariisatay dhageysiga  Dacwad loo heysto eedeeysanayaal ka tirsanaa Ciidanka Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo kala ahaa Dable xoogga Iidle Cumar Idiris kana mid ahaa  guutada 18aad ee ururka 6aad ee ciidanka GorGor kaasoo  xafiiska xeer ilaalintu ku soo eedeeyay inuu dil bareer ah  u geystay Allaha u naxariistee Marxuumad Bilan Xaashi Salaad oo uu  ku dilay Dagmada Xarardheere taariiqdu markey aheyd 29/06/2023 iyo Dable Qaasim Ciise Maxamed oo ku eedeysnaa inuu ku caawiyay dilka Bilan Xaashi Salaad oo u dhiibay Qoriga  dilka lagu geystay.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug Gaashaanle dhaxe Cabdullaahi Abuukar Xasdan (Cabdullaahi Dheere). ayaa ugu horeeyn u akhriyay labada eedeeysane Dacwadda  uu kasoo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta.

Intaas kadib waxaa maxkamadda la horkeenay Marqaatiyaashii goob jooga ahaa markii uu dhacayay falka dilka ah

Kormeere koowaad  Xamdi Maxamuud Maxamed oo aheyd baarihii kiiska ayaa ka warbixisay baritaankii ay sameeyeen iyo natiijadii kasoo baxday

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug Gaashaanle Sare Cabdulaahi Maxamed Muuse Keyse ayaa ka codsaday Garsoorka Maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta Falka ay geeysteen

Qareenkii u doodayay eedeeysanayaasha ayaa isna maxkamadda ka codsaday in fursad loo siiyo eedeeysanaha koowaad oo ah Iidle Cumar Idiris in ay ka wada hadlaan eheladiisa iyo tan marxuumadda geeriyootay, isagoo dhanka kalana difaacay eedeeysanaha labaad oo ah Qaasim Ciise Maxamuud

Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug Gaashaanle dhaxe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa soo xiray shalay fadhigii koowaad Maxkamadda.

Dhinaca kale Maxkamadda oo maanta u fariisatay fadhigii labaad ee eedeeysanayaasha ka tirsan Ciidanka Gor Gor ee xoogga dalka ayaa ku dhawaaqday Xukunka

Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug Gaashaanle dhaxe Cabdullaahi Abuukar Xasan (Cabdullaahi Dheere) ayaa ku dhawaaqay xukunka,  isagoo sheegay in eedeeysanaha koowaad oo ah Dable Xoogga Iidle clCumar Idiris Barrow ay Maxkamadu ku xuntay dil toogasha ah, halka eedeeysanaha labaad ee ah Qaasim Ciise Maxamed lagu Xukumay Labo Sano oo Xabsi Ciidan ah ayna u furan tahay racfaan muddada sharcigu qabo.

Related posts

Dowlada Itoobiya oo qaaday talaabo ka farxisay shacabka gobolka Tigray

Caydiid Ali

Hoggaamiyaha Iran, Ayatollah Khamenei oo fariin xasaasi ah u diray shacabka dalkiisa

Caydiid Ali

Dr Maxamed Nuur Gacal oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---