Iyadoo shalay fiidkii iska horimaad uu dhexmaray Ciidmada Booliiska Somaliland iyo koox dablay oo isku urursaday deegaanka Gacan-Libaax ayay maanta qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ay billaabeen waan-waan labadda dhinac ah.
Madax dhaqameedka ayaa xusay inay la kulmayaan kooxdan hubaysan, waxayna xukuumadana ugu baaqeen inay ka soo qaado ciidanka booliiska ee la geeyey deegaankasi.
Ugaas Axmed Cali Mahdi ayaa sheegay inuu waajib ka saaran yahay ilaalinta xasiloonida iyo Nabada, isagoo xusay in jabhadeyn iyo dagaal aan lagu xalin karin dhibaatooyinka jira.
Ciidamada Somaliland iyo Jabhadii dhawaan laga aasaasay buurta Gacan-libaax ayaa maalin ka hor ku dagaalamay tuulada Dari-maraa oo ku dhow buurtaas.
Ciidanka Somaliland ayaa degaankan la geeyay kadib markii ay jabhadu afduub u gaysatay saraakiil ciidan iyo odayaal u socday wadahadal lagu xalinayo khilaafka jira.