Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaasha Ciidamada ATMIS ee jooga Soomaaliya oo shir arrin xasaasi ah looga hadlay yeeshay

Taliyeyaasha ugu sarreeya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo gabagabeeyay kulan socday afar maalmood oo looga hadlay qiimeynta wajigii koowaad ee ka bixitaankii ciidanka ATMIS ee Soomaaliya iyo u diyaargarowga wajiga 2-aad oo la filayo in la soo gunaanado bisha Setembar ee soo socota.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay taliyeyaasha cutubyada shanta dal ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya; Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia iyo Burundi,iyadoo uu shir guddoominayay taliyaha ciidamada ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding.

Kulankaan oo halku-dhiggiisu ahaa Xoojinta Wada-shaqeynta ciidanka ATMIS CONOPS,ayaa lagu sheegay in wejiga labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya loo diyaariyay 3000 oo askari , halka bishii June ee la soo dhaafay dalka ay ka baxeen 2000 oo ciidan.

Ciidamada ATMIS iyo ciidanka xoogga dalka  ayaa hadda qorsheynaya wejiga labaad ee howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab ,kadib markii kooxdaasi laga xoreeyey deegaanno badan oo dhaca Hiiraan,Gaalgaduud iyo Mudug.

Kulanka taliyeyaasha ciidamada ATMIS qeybaha ayaa afartii biloodba mar la qabtaa, si looga hadlo howlgalada muhiimka ah ee amniga dalka  iyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Booliska Kismaayo oo goob fagaare ah ku gubay..

Caydiid Ali

RW Khayre oo si aan caadi laheyn loogu soo dhoweeyey Qardho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo Muuqaal wanaagsan ka sameeyey kaalinta Somalia ee Bariga Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---