Allbanaadir.com
NEWS

Taalibaan oo bur burisay qalab ay sheegeen in loo adeegsado musuqa iyo anshax xumada

Kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada dalka Afganistan ayaa goob fagaare ah ku gubtay kuna bur burisay qalabka muusiga casriga , qalabkan ayeyna ciidamada Taalibaan kusoo aruuriyeen howlgalo ay sameeyeen.

War kasoo baxay kooxda Taalibaan ayey ku sheegeen in qalabka muuskida ee bur buriyeen loo isticmaalo musuqa iyo waxyaabaha anshax xumada ah, waxa ayna sheegeen in diinta kasoo horjeedo muusiga la garaaco.

Qalabkan muusiga ee bur buriyeen kooxda Taalibaan ayaa waxaa ku baxday kumanaan kun oo dollar, waxa ayna kooxda sheegtay in ay sii wadi doonaan bur burinta qalabkan muusiga ay aadka u jecel yihiin dadka Afganistan qaarkood.

Aasaasaha Machadka Qaranka ee muusiga ee dalka Afgaanistaan Axmad Sarmast, ayaa si kulul u cambaareeyay bur burinta qalabka muusiga, waxa uuna sheegay in ficilada Taaliban ku kaceen ku tilmaamay xasuuq dhaqameed iyo burburin muusig.

Kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada dalka Afganistan ayaa horey usoo saartay awaamiir lagu mamnuucayo in muusik la garaaco lana ciyaaro, waxa ayna kooxdan sidoo kale soo saartay awaamiir kale oo bulshada qaar dhibsadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo si adag uga jawaabtay Eedeyn uga timid Soomaaliya farriin cusubna dirtay

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey lacagtii maanta laga soo dejiyey garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali

Ciidamo nooc cusub ah oo dowlada Somalia loogu tababaray dalka Jabuuti (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali