Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo la siiyay kaalmo lacageed oo gaareysa $ 75 million

Dowladda Soomaaliya ayaa loogu deeqay 75-milyan oo dollar , lacagtaad ayaana loogu tala galay in ay gacan ka geysato koboca awoodda hay’adaha dawliga ah oon wali ka maarmin kabka beesha caalamka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya loogu deeqay 75-milyan oo dollar, waxa ayna sheegeen in lacagtan tahay mid lagu caawinayo Soomaaliya oo xilligan xaalad soo kabasho ah ku jirta.

Lacagtan Soomaaliya la siiyay ayaa qayb ka ah, kaalmooyinka la siiyo dalkeena , si ay horumar uga sameeyo hiigsiga ku aaddan, inay noqoto mid si rasmi ah ugu qalanta, deyn cafinta.

Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay si buuxda u soo dhaweyneysaa, kana mahadcelinaysaa taageerada Miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Soomaaliya.

Taageeradaan Maaliyadeed waxa ay imaaneysaa xilligii ugu habooneyd ee dowladdu ay guul ka gaartay dib-u-habeynta dhaqaalaha, waxa ayna sahlaysaa in si habsami leh ay u siiscodaan dadaalada aan ugu jirno kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay

Soomaaliya ayaa waddo hir-gelinta barnaamijkeeda dib u habaynta, si loo kobciyo awoodda hay’adaha dawliga ah, loona soo jiito maal-gashadayaasha isla markaana loo gaaro koboc dhaqaale oo loo dhan yahay iyo shaqo abuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u dambeeyey qaraxii Baydhabo & Laftagareen oo si kulul uga hadlay

Caydiid Ali

Gaari qaraxyo lagu diyaarinayey oo qarxay iyo Khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali

Heyadda Socdaalka oo Yurub ka furtay Xarun cusub oo laga bixinayo Baasaboorka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---