Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo xariga ka jaray Xarunta Sirdoonka Puntland & Mashaariic kale (Dawirro)

Iyadoo lagu guda jiro todobaadka dabaaldega sanad guurada 25-aad ee Aasaaskii Puntland, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi  Deni, wuxuu Daah-furay mashaariic fara badan.

Deni ayaa xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Machadka Tababarada Shaqaalaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi  Deni ayaa sidoo kale wuxuu Xariga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Sirdoonka Puntland (PISA), Dhismaha cusub ee Xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Deni wuxuu sidoo kale Xariga ka jaray dhismeyaasha cusub ee lagu kordhiyey Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland, iyo xarunta dhexe ee cusub ee Garsoorka Dowladda Puntland.

Xarunta cusub ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa sidoo ka mid ahaa xarumaha uu maanta xariga ka jaray Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi  Deni.

Mashaariicdan cusub ee lagu soo beegay sanad guurada 25-aad ee Aasaaskii Puntland ayaa waxaa ku baxay malaayiin Dolar sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo Qorshe cusub degtay Qoraalna u dirtay Maxkamadda Caalamiga ee IC

Cabdi Cade

Maxaa looga hadlayaa shir Madaxeedka Jaamacada Carabta ee maanta ka furmaya Damaam? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dil maanta ka dhacay Muqdisho iyo ninkii ka dambeeyay oo gacanta lagu soo dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---