Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Milateriga afgembiga ku qabsaday talada Niger oo xili kama dambeys ah loo qabtay

Dalalka urur goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa isku raacay in cunnaqabatayn dhaqaale oo degdeg ah lagu soo rogo madaxdii afgambiga millatari ka sameysay dalka Niger.

Waxay sidoo kale muddo hal toddobaad ah u qabteen madaxda militariga in ay kaga noqdaan go,aankooda afgembi.

Safiirka Niger u fadhiya Maraykanka ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo faragelinta milatari haddii aan xal nabadeed laga gaarin xiisadda tagan.

Madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Niger ayaa markii ugu horreysay la arkay tan iyo markii milatarigu ay xireen afgambina ay ku sameeyeen toddobaadkii la soo dhaafay.

Maxamed Bazoum ayaa kula kulmay hoggamiyaha Chad Mahamat Idriss Déby caasimadda Niger ee Niamey. Madaxda milatariga ayuu sidoo kale la kulmay Madaxweynaha chad.

Mr Déby ayaa hormuud u ah dedaallo xal loogu raadinayo xaaladda ka taagan Niger, iyadoo wadamada galbeedka Afrika ay u qabteen milatariga in muddo toddobaad ah kaga noqdaan go’aankooda afgambiga.

Gen Abdourahmane Tchiani, madaxii ciidamada madaxtooyada ayaa si iskiis ah ugu dhawaaqay inuu yahay hoggaamiyaha Niger Jimcihii la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa ka dambeeya dacaayada laga faafiyey Xafiiska Maaliyada G/Banaadir? (Xog Xaqiiqo ah)

admin

Dugsi Quraan Online ah oo kuu haya fursado waxbarasho oo u gaar ah Qurba joogta iyo caruurtooda

Cabdi Cade

Muxuu taliyaha cusub ee Booliska ku soo arkay xarunta CID?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---