Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo xukun cusub ku riday kalluumeysato ajnabi ah

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir oo maalmihii lasoo dhaafay dib u dhagaysanaysay racfaanka ay qaateen qaar ka mid ah 36 kalluumaystao ajaanib ah oo horey loogu xukumay kalluumaysi sharci darro ah ayaa maanta go’aan cusub gaartay.

Maxkamadda ayaa horey ugu xukuntay 11 kun oo dollar oo ganaax ah midkiiba, iyo in lala wareego labada doonyood oo ay wateen.

Waxay sidoo kale maxkamaddu horey ugu xukuntay 30 kun oo dollar oo ah kalluunka ay sida sharcidarrada ah uga xadeen biyaha Soomaaliya iyo khasaare soo gaaray ciidamada badda intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay.

Kalluumaysatada ayaa lasoo qabtay bishii April ee sannadkan. Waxay u kala dhasheen 33 reer Iran ah iyo 3 u dhalatay Pakistan.

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, ayaa wax ka bedeshay Xukunkii ay hore ugu riday Eedaysanayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxayna eedaysanayaasha ku xukuntay midkiiba lacag dhan $12000 oo dollar iyo in lala wareego doomihii ay ku kaluumaysanayeen.

Maxkamada ayaa meesha ka saartay magdhowgii 30ka kun ahaa ee horey maxkamada gobolka Banaadir ugu xukuntay raggaas, sababo la xiriira kalluunka ay sida sharcidarrada ah uga xadeen biyaha Soomaaliya iyo khasaare soo gaaray ciidamada badda intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaale oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Shaqaalaha D/Hoose ee Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo arrimo muhiim ah kala hadlay Paul Simkin iyo xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Mucaaradka Suuriya oo baaq xasaasi ah u diray bulshada Calawiyiinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---