Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaannada labada Aqal oo ansixiyay miisaaniyadda 2023 ka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 4-aad ee Wadajirka ah ee labada aqal Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Guddoomiyaha ayaa kulanka waxaa ku weheliyay ku-xigeennada labada aqal, waxaana uu ajanduhu ahaa akhrinta 3-aad iyo u codeynta Xeerka Qoondaha Ku-noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka.

Xildhibaan Maxamed Farax Nuux oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Labada Aqal ayaa xildhibaannadda warbixin ka siiyay heerarka ay soo martay Miisaaniyadda 2023-ka, waxaana uu Xildhibannada Golaha Shacabka ka codsaday in la ansixiyo maadaama uu guddigu qiimeyn ku sameeyay, sidoo kale Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sen. Ibrahim Aw gaab ayaa isna ka hadlay ahmiyadda missaaniyadda ay qaranka u leedahay, isagoona ka codsaday Xildhibaanada labada aqal in ay ansixiyaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Xildhibaannada labada aqal u soo jeediyay in ay ansixiyaan Miisaaniyadda maadaama la soo mariyay akhrinta 1-aad, 2-aad iyo sedexaadba, ayaa waxaa cod gacan taag ah ugu codeysay 169 Xildhibaan oo ka kooban labada aqal waxaa diiday 1 mudane waxaana ka aamustay 2-Xildhibaan. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in sidaasi ay ansax ku tahay Misaaniyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iiman Cige ayaa Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad uga mahadceliyay sida aqlabiyadda leh ay u ansixiyeen miisaaniyadda, waxaana uu sheegay in dadaal dheer lagu bixin doono kobcinta iyo kor u qaadida dhaqalaha dalka.

Gunnaanadka kulanka oo uu soo xiray Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Xukuumadda u sheegay in Miisaaniyadda iyo xisaab xirka waqtiga loogu talagay Golaha la keeno si Xildhibaannada ugu baaraan deegaan una helaan waqti ku filan isla-markaana u mariyaan habraacyadooda.

Related posts

Madaxweyne Zelensky oo gaaray Mareykanka, lana kulmay dhigisa Joe Biden (Sawirro)

Caydiid Ali

Wiil dhallinyaro ah oo isku diyaarinayay Imtixaanka Shahaadiga oo Muqdisho lagu dilay

Cabdi Cade

DEG DEG: Raila Odinga oo ka soo horjeestay natiijada doorashadii ka dhacday Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---