Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda ciidamada oo Dil iyo xabsi ku riday dhallinyaro Tiktokley iyo askar (Sawirro)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku riday askar katirsan ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka iyo wiil dhallinyaro ah oo caan ka ah barta Tiktok.

Maxamed Abuukar Dayax oo katirsan ciidanka NISA ayaa dilay Marxuum Saciid Cabdi Cali oo kala dhax galay labo wiil oo Tiktokley ah ,kuwaa oo dagaal gacan ka hadal ah ku dhax marayay xaafad katirsan Muqdisho.

Garsoorka maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in Sharma’arke Xuseen Jimcaale (CR) oo caan ka ah Tiktok uu soo watay labo askari oo katirsan NISA , si ay garab ugu siiyaan dagaal uu la galo wiil kale oo dagaal u dhax maray.

Kiiskan dilka sababay ayaa la sheegay in uu ka dhashay gabar ay isku qabsadeeen Sharmaarke Cr iyo wiil kale oo lagu magacaabo Maxamed Faarax , waxaana Cr habeenkii dagaalka dhacay , habeenkii xigay soo watay labo askari oo NISA katirsanaa, kuwaa oo midkood dilay marxuum Siciid Cabdi oo kala dhax galay labada wiil ee dagaalamayay.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukunkan ku riday saddexda dhallinyaro ee ku lugta lahaa dilka Siciid Cabdi. :1- Maxamed Abuukar Dayax ayaa lagu xukumay dil toogasha ah, 2- Maxamed Cali Cusmaan Shan sanno oo xabsi ciidan ah halka Sharma’arke Xuseen Jimcaale “CR” lagu xukumay Sannad xabsi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhariso) Shuruudaha ka mid noqoshada Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Iran oo ku eedeysay Mareykanka iyo Israa’iil Qarax ay ku dhinteen dad ku dhaw 100 qof

Cabdi Cade

Heshiis ku kacaya 40 Milyan oo dollar oo lagu kala saxiixday Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---