Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaciyay damaciisa ku aadan in dalkiisa uu helo dekad u madax bannaan, si ay uga baxaan go’doonka ay ku jiraan iyo dhibaatada ay ku heyso dekad la’aanta.
Abiy Axmed oo la kulmay ganacsato maal-gashadayaal ah oo ka socday dalal kala duwan ayaa sheegay in dalkiisa muhiim u tahay in uu helo dekad u gaar ah , waxa uuna xusay in ay ku raadinayaan hab kasta oo suurto gal ah dekad Itoobiya u madax bannaan tahay.
Waxa uu sheegay Abiy Axmed in ay waddo nabadeed u marayaan sidii ay u heli lahaayeen dekad , isagoona ku hanjabay haddii ay si nabdoon ku waayaan dekad ay istyicmaalaan in ay awood ku raadiyaan iyo si kasta oo suurtogal ah.
“Itoobiya waa in ay heshaa Deked ay u madax banaan tahay. Wado nabadeed ayaan u maraynaa laakiin hadii ay socon waydo Awood ayaan adeegsanaynaa”. ayuu yiri Abiy oo wajigiisa dhiiranaan ka muuqatay.
Dalka Itoobiya oo kunool yihiin dadka ugu badan geeska Afrika ayaan laheyn wax dekad ah, waxa ayna Itoobiya hadda adeegsataa dekada Jabuuti, waxaana damac uga jiraa Itoobiya in dekadaha Soomaaliya midood xoog ama xeylad ku helaan.