Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal ka dhex qarxay ciidanka Somaliland iyo Jabhadii gashay Buurta gacan libaax

Ciidamada Somaliland iyo Jabhadii dhawaan laga aasaasay buurta Gacan-libaax ayaa galabta ku dagaalamay tuulada Dari-maraa oo ku dhow buurtaas.

Afhayeen jabhada u hadlay ayaa sheegay dagaal muddo socday uu ka dhex qarxay ciidanka RRU-da Somaliland iyo jabhada oo maalmahanba fariisimo ku lahaa goobo isku dhow.

Waxa uu sheegay in ay is haleeleen ciidamada Somaliland oo dagan wado buurta ku dhow iyo koox sahan ah oo ciidankooda ka socotay sidaana uu dagaalku ku qarxay.

“Dagaalku wuxuu bilaabmay 5:30, anagu dhankayaga khasaare ma hayno, dhaawac iyo dhimasho toona, xagooda gaadhi gubtay mooyaane khaasarahooda ma hayno, goobtii ay daganaayeena dib ayay uga kaceen” ayuu yiri afhayeenku.

Ciidanka Somaliland ayaa degaankan la geeyay kadib markii ay jabhadu afduub u gaysatay saraakiil ciidan iyo odayaal u socday wadahadal

Rasaas goos goos ah oo dhexmareysa ciidamada Somaliland iyo Jabhad Gacan-libaax ayaa caawa laga maqlayaa tuulada Dari-maraa, walina lama hayo faahfaahin ku saabsan khasaaraha dagaalka.

Related posts

Daawo: DF oo wada qorshe ka dhan ah Axmed Madoobe & Dagaalo culus oo ka dhacay..

Caydiid Ali

Xafiiska Raisul Wasaare Khayre oo bilaabay olole lagu difaacayo Madaxaweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee DF Farmaajo oo fariin Muhiim ah u diray shacabka Soomaaliyed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---