Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya oo talaabo culus qaaday ka dib markii ay kordheen weerarada Al-shabaab

Kenya ayaa kumanaan askari soo dhoobtay xadka Somalia iyadoo ka jawaabeysa weerarada sii kordhaya ee Al-Shabaab ka geysato gobolka Waqooyi Bari dalkaas ee Soomaalidu degto.

Ciidamadan ayaa ka howlgalaya Gaarisa, Wajeer iyo Mandera oo ka wada tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya si ay xoojiyaan amniga magaalooyinkaas iyo degaanada la xiriira

Masuuliyiinta Kenya  ayaa sheegay in ciidamadan ay ka qayb qaadanayaan sugidda amniga xuduudda iyo degaanada ku teedsan.

Shacabka gobolka woqooyi Bari Kenya ayaa loogu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada, lana wadaagaan xogaha ku saabsan meelaha ay joogaan Shabaab.

Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa dhowaan balan qaaday inuu gobolka woqooyi bari kooxda Al-Shabaab ka sifeyn doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaannada Golaha Shacab oo soo gunaannaday kulan arrin taagan ah looga hadlayay

Cabdi Cade

Ahmadinejad oo laga reebay liiska Musharaxiinta Madaxweynaha cusub ee Iran

Caydiid Ali

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha Mashruuc cusub (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---