Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wasiirka amniga oo su’aalo adag lagu weydiiyey shir ka dhacay Muqdisho

Guddiga Amniga iyo Difaaca  Aqalka Sare ee BJFS oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Somalia Mudane Maxamed Axmed (Doodishe) iyo Maxamed Cali Xagaa Wasiir dowlaha Wasaaraddaas.

Guddiga Amniga iyo Difaaca  Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadka ka saran korjoogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa kulanka ay maanta la qaateen Masuuliyiinta Wasaaradda Amniga, waxaa la isku dhaafsaday su’aalo iyo warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee Wasaaradda .

Wasiirka ayaa si faahfaahsan xubnaha Guddiga warbixin uga siiyay ugana jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen oo la xiriiray amaanka dalka guud ahaan iyo arrimaha la xiriira.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca  Aqalka Sare Senator Adam Abdinasir oo kulanka Shir gudoominayay ayaa Massuliyiinta Wasaaradda Amniga uga mahad celiyay sida togan oo ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaaradda, iyadoo la isku afgartay in si dhow loo wada shaqeeyo, si loo dardar geliyo shaqada Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen iyo Aadan Madoobe oo kawada hadlay xaalad taagan (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Aqoon-iswaydaarsi looga hadlayay qoddobo muhiim ah oo lagu qabtay Nederlands

Caydiid Ali

Daawo Muuqaal Qurux badan :Munaasabad lagu soo dhaweenayay Duqa Muqdisho oo lagu qabtay London

Cabdi Cade
Taboola Ads ---