Ciidanka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa xalay xabsiga dhigay Dr Xasan Axmed Maxamed Gacal oo ahaa Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka ee hay’addaasi.
Xariga Sarkaalkan ayaa yimid xili shalay galab uu ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa oo yiilay banaanka hore ee gurigiisa oo ku yaalla meel ku dhow isgoysa Dabka ee magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah eheladiisa ayaa xaqiijiyay xarigga loo geystey sarkaalkan, iyagoo sheegay ineysan ogeyn sababaha lagu xiray iyo halka la geeyey
Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaan weli wax war ah ka soo saarin xarigga Dr. Gacal iyo waxa uu salka ku hayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com