Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Jabhad hubeysan oo isku isku urursatay buurta Gacan-libaax, taasoo la sheegay iney ka soo horjeedaan maamulkiisa.
Muuse Biixi ayaa sheegay inaaney arrintaas eheyn sida ay u buun buunineyso warbaahinta, isagoo hoos u dhigay saameynta Jabhadaas.
“Waxaan aaminsanahay inaanay wax dhibaato ahi dhacayn, oo aanay ka badnayn arrintu xafiiltan siyaasadeed oo marka doorasho la galayo aalaaba dhacda” ayuu yiri Muuse Biixi.
Madaxweynaha ayaa xusay in maamulkiisu muhimad gaar ah siinayo sidii loo qancin lahaa dableydaas buurta Gacan Libaax isku uruursanayo.
Muuse Biixi Cabdi ayaa hadalkan ka sheegay xaflad xalay lagu soo Bandhigay Buugga laga qoray Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo ka dhacday Hargeysa.