Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Kenya iyo Mucaaradka oo heshiis hordhac ah ka gaaray khilaafka jira

Dowladda Kenya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sameeyo guddi si hoose ugu xalliya khilaafaadkooda, kaddib toddobaadyo ay socdeen dibad baxyo rabshado wata oo dhibaato badan geystay

Guddiga isku dhafka ah ayaa ka koobnaan doona toban qof oo dhinac walba ay shan qof ka imaanayaan sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay labada isbahaysi ee siyaasadda

Dib u habeyn lagu sameeyo guddiga doorashada, iyo in xafiis rasmi ah loo sameeyo hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga ayaa ka mid ah waxyaabaha laga wada hadlayo.

Raila Odinga ayaa diiday inuu aqbalo sharcinimada madaxweyne William Ruto, isagoo ku andacoonaya in doorashadii ugu dambeysay wax la is daba mariyey.

Rabshadaha ka dhacay dalka Kenya todobaadyadii la soo dhaafay oo ay wadeen dad taabacsan Mucaaradka ayaa lagu diidanaa sicir barar iyo canshuur kordhin ay sameysay dowlada, waxaana banaanbaxyadaas oo rabshado watay ka dhashay dhibaatooyin badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dayuurado laga soo riday Ruushka iyo Wararkii ugu dambeeyey Ukrine

Caydiid Ali

Jowhar: Musharax tanaasulay & Labo msuaharax oo wareegii u dambeeyey u gudbay

Caydiid Ali

Madaxweynaha Jubaland oo u Mahadceliyay safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---