Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin Maxkamad ka hor qirtay inuu kufsaday ka dibna dilay qiyaastii boqol caruur ah

Javed Iqbal ayaa nafta dhaafiyay 100 carruur ah oo uu maydadkooda u daadiyay si bini’aadantinimada ka baxsan iyo habka aan naxariis lahayn.

Sidee nin si arxan darro ah ugu dili karaa 100 carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 6 ilaa 16 jir? Javed Iqbal runtii ma bukaan maskaxeed buu ahaa? Mise waxa uu falkan foosha xun u geystay qaab kale?

Dadka qaar ayaa sheegaya in aan ilaa hadda la soo bandhigin xaqiiqada dhabta ah ee ku saabsan xasuuqii 100-ka carruur ah ee dunidu ka naxday.

Qaar baa xitaa su’aal ka keena in 100-kan dil ay dhab ahaantii dhaceen. Maxkamad ku taal Pakistan ayaa amartay in gacan ku dhiiglaha lagu xukumo dil sida ay tahayba.

100 caruur ah ayaa lagu dilay ceejin. Maydadka ayaa markaa la jarjaray oo la burburiyay iyadoo lagu dhex milay aashitada hydrochloric.

Waxaa la sheegay in Javed Iqbal uu dhammaan dilalkan ku geystay gurigiisa oo ku yaalla 16B, Ravi Road ee Lahore. Gurigan waa mid yar laakiin waxa uu leeyahay saddex qol oo waasac ah. Javed ayaa kiraystay. Immisa qof ayaa ku noolaa gurigan?

In kasta oo eedaysanaha ugu weyn, dembiilayaasha kale iyo markhaatiyaasha la xiriira xasuuqan, oo aan ahayn Lahore iyo Pakistan oo keliya, laakiin adduunka, inta badan aanay hadda jirin,

Waxa kale oo baaritaanka sii fududeysay goobta iyo hubinta xusuus qorka Javed iyo qaar ka mid ah dukumentiyada kale.

Isha: BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada oo Lacag ku taageereysa Dhismaha Degmo Al Shabaab Qarxiyeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Sheeko Jaceyl: Dhimashaan ka xigaan in aan Dib Kuu soo Jeclaado !! (Qeybta 1-aad)

Cabdi Cade

Nin Goob uu Shaqo ka helay u lugeeyay 32-km oo gaari la siiyay Farxadna la Ooyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---