Sweden waxay sheegtay in sare loo qaaday heerka feejignaanta amniga ayadoo laga baqayo weerarro argagixiso, ka dib markii dhowr goor lagu gubay kitaabka Quraanka.
Booliska ayay soo gaareen afar codsi oo cusub oo ay soo gudbiyeen kooxo doonaya inay kutubo uu ku jiro kitaabka quraanka gubaan.
Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Ulf Kristersson ayaa walaac aad u weyn ayuu ka muujiyey cawaaqibka ka dhalan kara dibad baxyo kale oo laga sameeyo gubidda quraanka.
“Waxaa na soo gaaray codsiyo dheeraad ah oo la doonayo in la gubo in kutub lagu gubo, haddii la ogolaado, waxaan wajahaynaa khatar ah in xaalad ba’an aan galno” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in farriimo cad la siiyey ilaa 15 hay’adood oo ay ku jiraan ciidanka qalabka sida ee Sweden qaar ka mid ah hay’adaha dhaqan gelinta sharciga.
Wasiirka cadaaladda Gunnar Strommer wuxuu sheegay in ujeedadu tahay in la xoojiyo awoodda Sweden kaga hortagi karto, ku weecin karto, ama ku hor istaagi karto argagixisada yio xagjirnimada rabshadaha wata.
Sida uu qoray wargayska Aftonbladet Dawladda Sweden waxay iminka ka baaraan degaysaa in sharciga wax laga beddelo si loo joojiyo gubidda kitaabka quraanka .
Sweden waxaa lagu qiyaasaa inay ku nool yihiin muslimiin u dhaxaysa 250,000 illaa 400,000, waxaana ka mid ah Soomaali badan oo dalkaas gashay 30kii sano ee u dambeeyey.