Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo xarunta NISA kaga qeyb galay shir xasaasi ah (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee Alshabaab.

Guddigan Qaran ayaa soo bandhigay baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah al-shabaab, waxayna sheegeen in la daciifiyey awooddii ay u lahaayeen urursiga baadda iyo boobka ay ku hayeen ganacsatada Soomaaliyeed, taasoo aas-aas u ah ciribtirka iyo dabargoynta kooxdaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah Alshabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah;  furinta dhaqaalaha, tan fikirka iyo dhanka milatariga, waxa uuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan.

Dhanka kaale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisul XFS mudane Xamse Cabdi Barre  ayaa kormeeray xarunta hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran, iyaga oo u kuur galay howla shaqo ee ay hay’adda u hayso dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Amarka Duqa Muqdisho oo lagu bur buriyay dhismayaal kuyaala Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo qaabilay Maxamed al-Sacii iyo xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo Guddoomiyay kulanka Golaha Shacabka oo arrin Muhiim ah looga hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---