Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ku saabsan dardargelinta Amniga Caasimadda.
Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidanka Military Police.
Duqa Muqdisho ayaa warbixin la xariirta Amniga Caasimadda ka dhageystay saraakiisha, isagoo kula dardaarmay in la xoojiyo sugida aamniga iyo la dagaalanka Maandooriyaha.
Madaale ayaa saraakiishan ku amaanay dedaalka iyo har habeen ugu jiraan sugida anmiga magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka burcada iyo Maandooriyaha.