Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire. Michael Nithavrianakis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta Safaarada Ingiriiska iyo Dowladda Puntland, Arrimaha Dowlad dhiska Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriisku ka fuliso Puntland iyo sidii Dowladda UK uga qayb qaadan lahayd dhamaystirka hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland ee Doorashooyinka, Safiirka Dowladda Ingiriiska Michael Nithavrianakis ayaa boggaadiyey horumarka ka socda Puntland gaar ahaan talaabada Puntland horay u qaaday ee Dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha waxaa kulanka kala qaybgalay, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada DPL iyo La-taliyaha Madaxweyne Arrimaha dimuquraadiyada.

Related posts

Guddoomiye Cali Jeyte oo soo gaaray Muqdisho kana hadlay Ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Dowlada oo Aamusnaan uga jawaabeysa ficilada ay ku dhaqaaqeyso dowlada Kenya

Cabdi Cade

Abiy oo laga cabsi qabo inuu dagaal afaraad ka bilaabo Badda Soomaaliya marta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---