Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in weerarkii Kuliyadda loo xiray 14 Sargaal

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa maanta mar uu ka jawaabayey waydiimaha Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu xaqiijiyey in 14 Sarkaal loo xiray Qaraxii ka dhacay Xarunta Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Wasiirka ayaa sheegay in uu Saraakiisha la xiray uu ku jiro Taliyihii haystay kuliyadda, sidoo kalena Baaris ku socoto xubnahan oo isugu jira Saraakiil Sare iyo Askar sharcigana la hor geyn doono cidii lagu helo ku lug lahaanshaha faldambiyeedkan.

Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay in ay kiiskan baarayaan guddi dsrsskiil ah oo ka kooban Haya’addaha amniga sida hay’adda ul NISA,Booliiska iyo Wasaaradda Gaashaandhiga.

Al Shabaab ayaa weerar ismiidaamin ah 24kii bishan ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad ay ku jireeen ciidamo katirsan guutada 14-ka October oo laga keenay gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana weerarkaasi ku dhintay askar aad u badan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somalia oo la kulmay dhigiisa Dan Munyuza (Sawirro)

Caydiid Ali

War cusub: Itoobiya iyo Somaliland oo dhamaystiraya heshiiskii is afgaradka

Caydiid Ali

Beesha caalamka oo bilowday dedaalo lagu baajinayo dagaal ka dhaca Addis ababa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---