Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Koox burcad badeed ah oo markab kala dagay shaqaale badan oo ajaaniib ah

Wararka ka imanaya dalka Nigeria ayaa sheegaya in koox burcad badeed ah ay afduubteen shaqaala saarnaa markab marayey xeebta Bonnyoo u dhaw Port Harcourt.

Shaqaalaha markabkani oo lagu magacaabo Massoel ayaa waxay sheegeen in burcad badeedani ay markabkani oo siday Qamadi ay xoog ku soo koreen.

Burcadda ayaa la dagay 12 ka mid ah 19 shaqaalihii markabka saarnaa.

Shirkadda iska leh markabka ayaan wali shaacin dalalka ay ka soo kala jeedaan shaqaalihii saarnaa markabka la afduubay.

Ciidamada badda ee dalka Nigeria ayaan xaqiijin Karin dhacdadan, balse waxay sheegeen in doomo ay qoryo ku rakiban yihiin halkaasi loo diray si ay baaritaan u sameeyaan.

Weerarada ay qaadaan burcad badeeda ayaa ku sii badanayay biyaha dalka Nigerian muddooyiinkii ugu dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo shaacisay in weerar layaab leh ku dileen Masuuliyiin iyo xubno kale

Cabdi Cade

Weerar lagu dilay dad Kenyan ah oo lagu qaaday gaari Bas ah iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Cabdi Cade

Waxyaabaha ugubka ah ee ka muuqda dib u habeynta uu maanta sameeyay Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---