Allbanaadir.com
NEWS

Mark Zuckerberg oo shaaciyay arrin niyad jabisay oo lasoo darsay Appka Threads

Madaxa shirkadda baraha bulshada ee Meta, Mark Zuckerberg, ayaa sheegay in shabakada cusub ee baraha bulshada ee Threads, ay lumisay in ka badan kala bar dadkii sameestay ee isticmaali lahaa.

Shabakadan oo la furay horraantii bishan July ayaa shirkadda Meta ugu tala gashay in ay kula tartanto barta Twitter-ka, waxa ayna maalmo gudahood Threads ku kasbatay boqol milyan oo isticmaale.

Madaxa shirkadda Meta Mark Zuckerberg, ayaa qoraal uu soo saaray  ku qiray in tirada dadkii sameestay ee isticmaalayay Threads ay hadda hoos u dhacday, waxa uuna muujiyay walaaca ay arrintan ku reebtay.

Waxa uu sheegay in heerka sii hayntu aanu ahayn mid fiican oo lagu sii kalsoonaan karo, waxa uuna Mark Zuckerberg sheegay in hadda habab cusub oo casri ah lagu soo daray bartaas ayna rajeenayaan in dad badan kusoo biiraan.

Shabkaadan cusub ee Threads ayaa horey ula kulmay dhaleeceyn xooggan oo ku saabsan shaqeynta xaddidan, tusaale ahaan qoraallada la soo bandhigay iyo waxa ku jira ee la heli karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shidaalka Somalia oo lagu iibinayo dalka Turkiga (Xog ku aadan cida ku lug leh )

Caydiid Ali

Hirshabeelle oo eedeyn culus u jeedisay Wasiir ka tirsan DF

Caydiid Ali

Bashiir Goobe oo dhaqaalihii ka jartay ciidanka NISA ee taabsacsan Yaasiin Fareey !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---