Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Port Elizabeth iyo Faah faahino kasoo baxaya

Askar dhar-cad oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa xalay muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsade ahaa ku dishay deegaanka Mother Well ee hoostaga magaalada Port Elizabeth ee xarunta gobolka Westren Cape.

Sida aan wararka ku helnay ciidan dhar cad ah ayaa tagay dukaan uu lahaa ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Maxamed Deeq Madar , waxaana halkaasi isku rasaaseeyay labada dhinac oo kala shakiyay.

Ciidanka dhar-cadka ahaa ee tagay dukaanka ayaa la tilmaamay in ay raadinayeen hub sharci darro ah, waxaana dhallinyarada Soomaaliyeed ee dukaanka joogtay la sheegay in raggan hubeesan ka shakiyeen sidaasna rasaasta ku bilaabatay.

Is-rasaaseynta waxaa ku dhintay ganacsade Maxameddeeq Madar ,waxaa sidoo kale ku dhaawacmay askari katirsanaa ciidanka dhar cadka ahaa, waxaana la xiray dhallinyaradii  joogtay dukaanka dhibku ka dhacay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa siyaabo kala duwan loogu laayay muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaasi nolol iyo shaqo u raadsaday, waxaana dalkaasi sannadihii lasoo dhaafay lagu dilay boqolaal muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

RW Khayre oo qaabilay wafdi ay horkaceyso Mrs. Emmanuella Claudia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Lacago akoonka Madaxweyne Xasan Sheekh lagu shubay oo la ka shifay

Cabdi Cade

Tallooyin Muhiim ah oo ku socda dadka Damaashaadka u taga xeebta Liido Xilliyada Habeenkii

Cabdi Cade