Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland oo soo saaray bayaan xasaasi ah (Akhriso)

Madasha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka jira deegaannada Puntland ayaa maanta bayaan rasmi ah ka soo saaray wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland.

Bayaanka ayaa lagu cambaareeyay islamarkaana go’aan sharciga baal-marsan ku tilmaamay wax ka beddelkii xildhibaannada Baarlamanka Puntland ku sameeyeen qodobka kamid ah dastuurka.

Madasha siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sidoo kale sheegay in ay horay dacwad rasmi ah uga gudbiyeen hannaanka loo maray wax ka beddelka dastuurka Puntland.

Baarlamanka iyo madaxtooyada Puntland ayay sidoo kale ku eedeeyeen in ay isku milmeen kuna dhaqaaqeen tallaabo ka baxsan dastuurka iyo shuruucdii lagu doortay.

Madasha ayaa dhinaca kale ku baaqday in shir lagu samata-bixinayo dowladnimada Puntland ay isugu yimaadaan dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka ah.

“Waxaan ku baaqaynaa shir lagu samata bixinayo dowladnimadda Puntland inay isugu yimaadaan dhamaan siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka Puntland” ayaa lagu yiri bayaanka Madasha.

Related posts

Safaaradda Mareykanka oo ka hadashay aqoonsiga DF siisay Axmed Madoobe

Caydiid Ali

Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo Eedeyn culus u jeediyay Madaxda dalka ugu sareysa 

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Xog-hayeyaasha labada Aqal ee BFS (Sawirro)

Cabdi Cade