Majaajiliista caan ah oo u dhashay dalka Nageria ayaa la kulmaya ciqaab adag oo dhinaca sharciga ah , kaddib markii uu xirtay dareeska u gaarka ah ciidamada booliiska dalkaasi .
Abdulgafar Abiola oo loo yaqaan Cute Abiola, ayaa waxaa ku bilowday baaritaano la xariira in uu xirtay dareeska ciidanka booliiska, waxaana lagu soo oogay ninkan dacwad xushmad darro iyo sharaf dhac uu sameeyay dharka booliiska.
Afhayeenka booliiska dalka Nageria Olumuyiwa Adejobi, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in sharciga ka mamnuucayo dadka caadiga ah xirashada dareeska ciidanka nuuc kasta ay ahaadaan.
Muuqaal la baahiyay  ayaa muujinaya majaajiliistaha oo u labisan sidii askari booliis ah oo darawalka ka codsanaya in uu siiyo lacag si uu shidaal ugu helo gaariga booliska ee shidaal la’aanta ah.
Majaajiliistahan u dhashay Nageria oo hadda ku socdaan baaritaanada ayaa ka wel welsan ciqaabta uu lakulmi doono haddii lagu helo xirashada ciidanka booliiska oo mamnuuc ka ah dadka shacabka ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com