Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ballanqaaday in dalal dhowr ah ay ku jirto Soomaaliya uu ugu deeqayo Qamadi bilaash, si looga maarmo qamadihii dalka Ukraine u dhoofin jirtay dalal Afrika kuyaalla.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweeneyso ballanqaadkii madaxweynaha Ruushka ee ku aadaanaa in Soomaaliya ugu deeqayo qamadi bilaash ah.
“Dowladda Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa go’aankii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Putin ee ahaa in 25-50,000 tan oo hadhuudh ah lagu gaarsiinayo lacag la’aan 7 waddan oo ay Soomaaliya ku jirto. “Waa go’aan bini’aadantinimo oo togan oo caawin doona kumanaan Soomaali ah oo ay soo food saartay cunto yari” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.
Dowladda Ruushka ayaa dooneysa in dalal kuyaalla Qaarada Afrika kusoo jiidato caawintan bilaashka ah, waxa uuna Ruushka doonayaa in uu kordhiyo saameyntiisa qaarada Afrika .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com